
Shirkaan waxaa Gudoomiye ka ah sidoo kale Musharax Madaxweyne mar kale ah Madaxweynaha hada haya talada dalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud,Sidoo kale waxaa ku xigeeno u ah Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamulka Koofur-Galbeed C/casiis Laftagareen.
Xaflada oo si weyn loo soo agaasimay loona soo camirey sida aad sawirada ka arki kartaan ayaa waxaa ka soo muuqday Hogaamiyaha Maamulka cusub ee SSC Khaatumo C/qaadir Firdhiye oo aan xisaabta Xisbigaan hore ugu jiirin.
Khud-bado ayay masuuliyiintu jeediyeen sida Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisulwasaare Xamsa iyo guud ahaan inta badan masuuliyiinta Xisiga.
Shirweynaha oo ah midkii koowaad ee urur siyaasadeedkaan la balaariyay ee Cadaalada iyo Wada-jirka ayaa lagu doortay hoggaanka ururka, waxaana uu ka mid noqonayaa ururrada cusub ee ku soo biiraya loolanka ururrada ee doorasho qof iyo cod ah loogu jiro.
Madaxweyne Xassan wuxuu shirka ka sheegay in Caawa ay farxad u tahay isagoo xanbaarsan masuuliyadda Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka inuu soo hor istaago bulshada Somaliyeed iyo xubnaha Ururkaani.
“Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka waxa uu u taagan yahay in dalku u gudbo doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isna ka sheegay shirka Urur siyaasadeedka in nidaamka 4.5 uu ahaa ciqaab Soomaali hortaalla islamarkaana ay hadda u baahanan yihiin inay jeexaan waddo cusub oo arinkaasi looga gud-bo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM






DAYNIILE.COM






