May be an image of 10 people and people playing football

Muqdisho: 08, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Magaalada Muqdisho kulan casho sharaf iyo mid dhiirigelin ah ugu sameeyay Ciyaartooyda Xulka Dowladda Hirshabeelle ee ka qeybgalaya tartanka Ciyaaraha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Hishabeelle, Xiriiirka K/Cagta iyo Ciyaartooydaba ku bogaadiyay guulaha iyo ciyaar wanaaga kalsoonida leh ay soo bandhigeen isagoo ku adkeeyay inay muhiim tahay in sanadkaan ay soo hoyaan Koobka, ayna haystaan taageerayaasha ugu badan ee usoo daawasho tago garoonka.

Madaxweynaha ayaa xusay in guul walba oo ay gaaraan ay farxad galineyso guud ahaan bulshada Hirshabeelle, isagoo gudoonsiiyay abaalmarino ay ku muteysteen natiijooyinkii fiicnaa ee ay soo hoyeen, waxa uuuna sidoo kale u muujiyay inay heli doonaan abaalmarino kale marka ay kulamada kale ee tartanka soo hoyaan guulo.

Kulankaan dhiirigelinta ah waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, Xulka Hirshabeelle ayaa berri laga filayaa guul wayn oo farxad gelisa bulsho-weynta Hirshabeelle xili ay wajihi doonaan dhigooda Jubaland.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
May be an image of 6 people and text that says "AZ AZ"May be an image of 4 people, people playing football and text that says "AZ"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people, people playing basketball and text that says "AZ AZ AZ AZ"May be an image of 10 people and tableMay be an image of 2 people, table and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, beard and people smilingMay be an image of 5 people, people playing football and people playing basketballMay be an image of 6 people, people playing basketball and textMay be an image of 7 people, people playing basketball, people playing football and textMay be an image of 4 people and people smilingMay be an image of 2 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 2 people, beard and people smilingMay be an image of 3 people, beard and textMay be an image of 2 people, people playing football and text that says "AZ"May be an image of 3 people, people playing basketball and textMay be an image of 3 people and text that says "AZ"May be an image of 5 people, people playing football and text that says "AZ"May be an image of 4 people and people playing footballMay be an image of ‎4 people, people playing American football, people playing football and ‎text that says "‎א LE‎"‎‎May be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text that says "Elite Hotel GNTT Hotel Elite"May be an image of 5 people, beard and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 people, dais and text that says "ELLE"
Previous articleWasiir Dowlada Somalia ka tirsan oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Maamulka Puntland
Next articleSarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Xisbulaah oo la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here