HomeWarkiiSAWIRRO:Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia muxuu kala hadlay Gudoomiyaha Golaha sharci  dejinta Bulshada Bariga...

SAWIRRO:Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia muxuu kala hadlay Gudoomiyaha Golaha sharci  dejinta Bulshada Bariga Afrika

May be an image of one or more people, the Oval Office and textArusha, Tanzania – 03 October 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), Mudane Joseph Ntakirutimana, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo isdhexgalka bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika ayaa inta uu kulankoodu socday adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta baarlamaannada si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee Bulshada Bariga Afrika, taas oo fursad gaar ah u abuureysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, isu-socodka iyo iskaashiga Gobolka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa kulanka ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyees Cali Xasan.May be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -