BEIRUT (DAYNIIILE.COM)-Sida daqiiqado ka hor lagu baahiyay Warbaahinta Aljazeera waxaa goor dhaw oo caawa ah la dilay Saleh al-Arouri oo ahaa ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas iyo saraakiil kale kuwaasoo ku sugnaa Magaalada Bayruut ee Dalka Lubnan.

Afhayeenka Xamaas Ismail Haniyeh ayaa xaqiijiyay weerarka lagu dilay masuuliyiinta Xamaas oo ay fuliyeen diyaaradaha Dagaalka Isra’iil.

Advertisement

Dhisme ku yaal Koonfurta Magaalada Bayruut ayay iskula sugnaayeen masuuliyiintaan waxaana gantaalo la helay diyaaradaha Yuhuuda.

Afhayeenka Xamaas ayaa xusay oo mid mid u sheegay Saraakiisha sar sare ee Caawa Xamaas laga laayay wuxuuna ku kala sheegay sidan:-

aleh al-Arouri, oo ahaa ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas; Taliyeyaasha Guutada Qassam Samir Findi iyo Azzam al-Aqraa; iyo xubnaha Xamaas Mahmoud Zaki Shahin, Mohammad Bashasha, Mohammad al-Rayes iyo Mohammad Hamoud.
Dhanka kale Afhayeenka wuxuu ku tilmaamay falkaani mid argagaxiso oo ay Yuhuudu fulisay,wuxuu ku eedeeyay sidoo kale inay Israa’iiliyiintu ku xad-gudbeen madax babaanida iyo qaranamida dalka Lubnaan madaama halka lagu dilay saraakiisha xamaas uu yahay gudaha dalka Lubaan.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

People stand at a damaged building following an explosion, in what security sources say is an Israeli drone strike, at the Beirut suburb of Dahiyeh, Lebanon January 2, 2024. REUTERS/Mohamed AzakirSmoke rises as a man stands on a damaged building at the site of an explosion, in what security sources say is an Israeli drone strike, in the Beirut suburb of Dahiyeh, Lebanon January 2, 2024. REUTERS/Mohamed AzakirPeople gather near a damaged site following an explosion, in what security sources say is an Israeli drone strike, at the Beirut suburb of Dahiyeh, Lebanon January 2, 2024. REUTERS/Ahmad Al Kerdi BEST QUALITY AVAILABLEMembers of civil defence stand on a damaged building at the site of an explosion, in what security sources say is an Israeli drone strike, at the Beirut suburb of Dahiyeh, Lebanon January 2, 2024. REUTERS/Mohamed Azakir

Previous articleIsraa’iil oo sheegatay in saraakiil looga dily Gaza
Next articleMadaxweyne Xasan iyo dhigiisa Dalka Masar oo qadka teelka ku wada hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here