HomeWarkiiSaxiixa mooshin ka dhan ah siyaasada Madaxweyne Xassan oo ka socota xarunta...

Saxiixa mooshin ka dhan ah siyaasada Madaxweyne Xassan oo ka socota xarunta Baarlamaanka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah Dowlada Somalia ayaa gudaha xarunta Golaha Shacabka waxay ka dhex wadaan oo gabaabsi u maraya saxiixa mooshin ka dhan siyaasada Madaxweynaha Somalia ku hogaamiyo Dowlada Soomaaliya .

Mooshinkaan oo xiisad kicin kara islamarkaana ay adag tahay in Gudoonku aqbalo ayaa ah mid lagu diidanyahay wax ka badalka dastuurka taasoo maalmihii ugu danbeeyay ay wadeen xildhibaanada muxaafadka xili 1-da bishaana lagu wado inuu Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya Dowlada iyo mucaaradka kadidb markii xukuumadu dhigtay gogol wada-tashi Qaran ah.

Xildhibaanada Mucaaradka waxaa la sheegay inay qaar badan saxiixaan waliba ay wadaan iyagoona ugu danbeyn hor geyn doona Gudoonka Baarlamaanka walow aan la ogeyn inay kalsooni kaga heli doonaan fadhiga baarlamaanka madaama laba dhinac ay u kala qeybsan yihiin mucaarad iyo mucaafad.

Mooshinkaan mucaaradku wadaan wuxuu u muuqdaa mid ay kaga hor tagayaan qorshaha xildhibaanada muxaafadka ay iyagana doonayaan inay keenaan mooshin ah in la ansixiyo Dastuur dhameystiran lagana tagi midka qabyada ah inta hartay madaama ay cutubka qaar hore wax looga badalay taasoo muran badan dhalisay islamarkaana mucaaradku aad u diidab yihiin iyagoo ku doodaya inaan loo dhameyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -