MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta meel fagaare ah waxay dil toogasho ah ku fulisay sedex nin oo ku eedeysnaa inay Alshabaab ka tirsan yihiin.Sedexda dilka lagu fuliyay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay
Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka).
Toogashadaan ayaa la fuliyay maanta kadib markii Maxkamada Ciidamada ay hore ugu xukuntay dil toogasho ah markii lagu helay falal dial ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo Gobolka shabeelaha hoose sida Maxkamadu shaacisay.
Fulinta dilkaani toogasho ayaa ku soo aadaya xili mudo uu istaagnaa fuinta xukunada toogashada markii goobtii toogashada ka dhici jirtay ay Dowladu la wareegtay
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
