BERBERA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaaada Xebeedka Berbera ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 3 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo badda u tagay inay ku dabaashaan kuna dalxiisaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaro badan ay baddu qaaday balse sede laga soo bad baadiyay halka sedex kalana ku dhinteen rabi ha u naxariistee ,kuwaasoo waliba la sheegay inay dabaasha uga imaadeen Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.
Inta badan Badda marka ay yara kacdo ayay keentaa in dhalinyarada jiidato xili dhalinyaradana ay xeebaha joogto u tagaan maalmaha fasaxa sida Jimcaha iyo Khamiista.
Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka bixiyaan dhibaatada maanta ka dhacday badda Berbara.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
