Caddalle (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Tuulada Laba-Garas oo hoos tagta  Magaalo Xeebeedka Cadalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi  lagu  dilay shalay gelinkii danbe sedex nin oo shacab ahaa.

Sedxdaan nin oo isku reer ka soo jeeday sida wararka aan ku helnay ayaa loo beegsaday aanooyin qabiil in muda ahba halkaasi ka taagnaa xili kuwa dilka fuliyay xitaa ku reer yihiin.

Advertisement

Rabi ha u naxariistee sedexda Marxuum ayaa magacyadoo lagu kala sheegay Cali Muxudiin Cali,  Maxamed Cali Maamuud iyo Axmed Abuukar Cumar.

Maamulka Hirshabelle iyo kan Magaalada Caddale midkoodna wali si rasmi ah ugama hadlin falka dilkaani iyo sababta keentay oo warar aan la xaqiijin sheegayaan aano qabiil inay tahay.

Kooxihii dilka gaystay waxaa la soo warinayaa inaygoobta ka baxsadeen madaama ay dhibaato gaysteen iyadoo rajana laga qabo in sharciga la hor keeno dhamaan maleeshiyaadka ku lugta leh falalkaani soo noqnoqday ee qab beeleedka la isu ugaarsanayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here