Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed ee SEIT Hirshabeelle ayaa maanta shaaciyay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Saddexda kursi uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Hirshabeelle ayaa ahaa kuraasta ugu dambeysa ee Golaha Shacabka ee ku dhiman Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay ayaa kala ah:

HOP#135: oo ay ku fadhisay Baarlamaankii 10aad AHUN Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay qarax lagula eegtay Magaalada Baladweyne oo ah deegaan doorashada koowaad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

HOP#141: oo uu ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali, Wasiir Islow ayaa markale doonaya in uu ku soo baxo doorashada kursigaan.

Kursiga saddexaad ayaa ah kurisgaa uu tirsigiisu yahay HOP#146 kaas uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Saddexdaan kursi ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashadooda 30 April 2022, waxaana lagu qaban doonaa Magaalada Jowhar oo ah deegaan doorashada koowaad ee Dowlad Gobaleedka Hiishabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle la kulmay 23-kii April 2022 ayaa ka dalbaday in uu dadejiyo Doorashada kuraasta ku dhiman Dowlad-Goboleedkaas si Xildhibaannada ku guuleysta ay u gutaan waajibaadkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here