Advertisement

Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa maanta furinta ku booqday ciidanka xoogga dalka, Senatorka oo goob fagaare ah ugu khudbeeyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan cibaadada Alle, inta ay gudanayaan waajibaadka qaran ee duurkaan ay u joogaan.

Advertisement

Senator Afcadey ayaa ciidanka ku baraarujiyey inay niyeystaan in dagaalka ay ku jiraan uu yahay jihaad xaq ah oo shacabka Soomaaliyeed ay uga dul qaadayaan Al-Shabaab oo heystay in ka badan 15 sano.

Dhanka kale dadka tuulada Ceel-Cali Axmed ayaa 4 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee furinta ku jira, si ay ugala qeyb qaataan farxadda sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka xoogga dalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here