Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug 15-kii Bishaan ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu yiri,

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Yuusuf Geelle Ugaas uu doonayo in uu u wareego Golaha Shacabka, isla markaana uu wado qorsho uu ku hanan karo kursiga ay Beeshiisa ku leedahay Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada golaha shacabka uu Maamulka Galmudug ku qaban doono muddo Saddex Cisho gudahood ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here