Senator Murkomen Onesimus oo ka hadlay Aqalka Sare ee Kenya ayaa wax aan Suura gal ahayn ku tilmaamay in Kenya lagu qalqaaliyo inay dagaal ay la gasho somalia wuxuuna yiri sidan.

”Dagaal xal ma aha, dalkani kenya lama dagaallami karo deriskiisa ,Dadka leh Somalia hallala dagaalo ma aha dad dagaal wax ka yaqaanna oo Soomaalida aqoon u leh ,Meesha waxaa yaalla khayraad, balse waxaa loo baahan yahay sidii looga faa’iidaysan lahaa ,Waa jaahiliin Kenyan-ka Dagaalka Xal u arka .

Maqaamka diblomaasiyadeed ee dalkeena Kenya waa mid aad u liita,waxaa is weydiin mudan sababta kenya oo ah dalka ugu hodonsan gobolka uu mar kasta ugu guuldarraysato doodaha dhexmara iyaga Wadamada Deriska ah min Tanzania, Uganda, xitaa South Sudan, Rwanda iyo Burundi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here