XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka Manchester United, Benjamin Sesko, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay bixitaanka Casemiro ee dhammaadka xilli-ciyaareedkan, isagoo ku sifeeyay xiddiga reer Brazil inuu yahay mashiin shaqo.
Sesko, oo gool dhaliyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Brentford oo uu Casemiro isna gool ka dhaliyay, ayaa ammaanay dedaalka iyo saameynta uu khadka dhexe ee rug-caddaaga ah ku leeyahay garoonka dhexdiisa. “Waxa uu garoonka kusoo bandhigayo waa wax aan la rumeysan karin. Waxaad u baahan tahay qof isaga oo kale ah,” ayuu yiri Sesko.
Wuxuu intaas ku daray in ciyaaryahan kasta oo doonaya inuu horumaro ay tahay inuu cashar ka barto hab-shaqeedka Casemiro. In kasta oo taageerayaashu ay ku luuqeeyeen “hal sano oo kale nala joog” intii ay ciyaartu socotay, tababare Michael Carrick ayaa xaqiijiyay in go’aanka kama dambaysta ah ee labada dhinac ay ku kala tegayaan uu yahay mid horay loo qaatay.
Sesko ayaa sheegay in kooxdu ay ka faa’iidaysan doonto khibradda Casemiro ilaa daqiiqadda ugu dambaysa ee uu xiran yahay maaliyadda cas, isagoo carrabka ku adkeeyay in joogitaankiisu uu kalsooni iyo xoog weyn u ahaa kooxda intii uu ku sugnaa Old Trafford.
XIGASHO LAACIB.NET
