Labada Gudoomiye Baarlamaan ee  Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llahi ayaa maanta siyaabo kala duwan waxay xafiisyadooda ugu kala qaabileen Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadcelisay soo dhawaynta wanagsan ee loo sameeyay marka la eego
madaxdii iyo Xildhibaannadii kala duwaneyd ee dalkeeda ku soo dhoweysay, waxaana ay Guddoomiye Aadan Madoobe la wadaagtay kaalinta firfircoon ee qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay ku talaabsanayaan guulo badan oo dalkeena qiimo u leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa kula dardaarmay xildhibaanada inay laba jibaaraan kaalinta muhiimka ah ay ku leeyiin qurba-joogta Soomaaliyeed dalalka ay ku noolyihiin.

May be an image of 4 people and dais
May be an image of 8 people, suit, dais and textMay be an image of 4 people and the Oval OfficeGuddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi-Xaashi C/llaahi ayaa isna  ku bogaadiyay Xildhibaanad Hoddan  doorka firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, kuwaasoo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and text
Previous articleXuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga oo Maanta Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO
Next articleQarax lagu weeraray Safaarada Israa’iil ee Dalka India

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here