MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay warbaahintu hadal hayeen dhaqaale Shacabka Soomaaliyeed iska ururinayaan kaasoo loogu talo galay in lagu garab istaago ama loogu iibiyo raashin iyo dawo shacabka Muslimiinta ah ee ku dhibaateysan marinka Gaza ayaa hadana waxaa su’aali ka taagan halka loo marsiin doono marka ay soo dhamaato ururinta.

Warar ku dhaw dhaw gudiga lacag ururinta ayaa sheegaya in qoshuhu yahay in lacagta la gaarsiiyo 5 milyan kadibna lagu saacido shacabka reer Falastiin.

Advertisement

Hadaba sheekh Cabdi-Xayi oo Gudoomiye ku xigeen ka ah Gudiga lacag ururinta ayay BBC-du weydiisay sida ay lacagtaasi ku gaarsiin karaan shacabka Falastiin xili adduunka oo dhan ay ku adkaatay sidii gar-gaar lagu gaarsiin lahaa.

Shiikha wuxuu sheegay in ay u marsiinayaan Falastiiniyiinta kale ee ku nool dalalka kale kuwaas oo sida uu sheegay iyagu garanaya sidii ay guryahooda macaawinada u gaarsiin lahaayeen.

Sh, Cabdi-Xayi wuxuu intaasi ku daray in habkii dhaqaalaha lagu gaarsiin lahaa mar walba laga rabo falastiini kale inuu keeno wadadii loo mari lahaa islamarkaa iyagu ka soomaali ahaan aysan marna quusaney dhibaato kasta ha jirtee.

Mar BBC-du weydiisay Shiikha in Soomaaliya oo laftoodu dhibaateysan inay meel kale u gurmadaan ayuu kaga jawaabay in diintu amaantay qofka isagoo baahan hadana ka door bida walaalkiis oo ka daran inuu saacido.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Sacuudiga gaaray
Next articleIsraa’iil oo xasuuqday shaqaale gar-gaar oo dalal kala duwan u dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here