HomeWarkiiShacab badan oo mar kale aano qabiil loogu laayay duleedka Degmada Wala-weyn...

Shacab badan oo mar kale aano qabiil loogu laayay duleedka Degmada Wala-weyn iyo xiisada oo sii korortay

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale dad shacaba qaab aano qabiil ah loogu laayay duldeedka Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose xili xalay sidaas oo kale dad loogu laayay.
Wararka aan saaka heleyno ayaa sheegaya in ilaa 12 ruux hal goob lagu laayay iyadoo waliba dadkaasi la isugu yeeray kadibna  si wada-jir ah loo xasuuqay sida uu Saxaafada u sheegay Xildhiban Daahir Amiin Jeesow.
Qaar ka mid ah wararka baraha bulshada durba lagu shaaciyay saaka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dadkaani laayay ay xirnaayeen dareyska ciidamada Maamulka Koofur-galbeed inkastoo warkaasi ahayn mid aan anagu xaqiiqo u heyno ama warar madax banaan aan ku helnay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la laayay ay ahaayeen  dad Xoolaley ah oo kusugnaa Warta-C/raxman ee Deegaanka Gareeri ee duleedka Magaalada Wala-weyn Gobolka Shabeelaha hoose oo qiyaastii 100KM u jira Muqdisho.
Dhabka kale Dadka dhaawacyada oo qaba oo ku dhaw 10 ruux ayaa la soo sheegayaa in 5 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus oo xaaladoodana lagu sheegay mid daran.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -