MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia ayaa maanta bur burin kula dhaqaaqay dhulkii Eeneya ee Degmada Yaaqshiid kaasoo ah asal ahaan dhul Dowlo waxana ka dhashay buur iyo isu soo baxyo rabshado wato oo ay dhigayaan dadka laga saarayo.
Ciidamada ayaan u aaba yeelin waayeel dumar iyo caruur sidii lagu yaqaanay madaama inta badan ay ku doodaan inay qoysaska waqti siiyaan xili dhanka kalana shacabku ku doodaan inaan wax waqti la siin.
Shacabka laga saarayo dhismahaan ayaa lagu arkay iyagoo xitaa laamiga la taagan dhagxaan ay xitaa gaadiidka Dowlada muraayadaha uga jabinayaan carada ay ka qaadeen talaabada Dowladu ku dhaqaaqday, nawaaxiga xerada Eenaya ilaa isgoyska Ekis kontorol Balcad waxaa ka jira isu soo baxyo rabshado wata inkastoo ciidamadu daganaan muujinayaan.
Shacabka laga saaro dhulalka Dowlada waxay Dowlada ku eedeeyaan inanay dano guud ku qabanayn balse ay ka iibinayaan gacansato Soomaaliyeed kuwaasoo dhulkii danta guud ka dhisanaya dhismayaal iyaga ay leeyihiin oo Dowladuna u sharciyeyneyso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM










