Saddex qarax oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 5 Ruux halka 20 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkoo dhaawacooda culus yahay.
Xildhibaan Maxamuud Maaxi Yuusuf oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qaraxa Koowaad oo haleelay laba qof oo watay Mooto Fekon, balse dadkii doonayay inay u gurmadaan qarax kale uu haleelay, sidaasina dadka ay waxyeelada kusoo gaartay.
Wuxuu sheegay in musiibo ay ka dhacay deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle, isla markaana dadka qaraxa ku dhaawacmay la keenay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa aad ugu badan dhacdooyinka la xiriira qaraxyada Miino, kuwaas oo lala beegsado Ciidamada dowladda, hayeeshee mararka qaar ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dad Shacab ah.