HomeWarkiiShacabka Balad-xaawo oo maanta dhigay dibad-bax ay ku diidan yihiin Axmed Madoobe...

Shacabka Balad-xaawo oo maanta dhigay dibad-bax ay ku diidan yihiin Axmed Madoobe iyo Ciidamada Itoobiyaanka.

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Boqolaal ka tirsan shacabka reer Balad-xaawo ayaa saaka isugu soo baxay dibad bax ay ku muujiyeen sida ay u taageersan yihiin Dowlada Faderaalka Soomaliya islamarkaana ay u diidan yihiin Axmed Madoobe iyo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Gobolk Geddo qeybo ka mid ah sida Doolow.

Shacabka reer Balad-xaawo waxay wateen boorar ay ku xar dhan yihiin sawirada Axmed Madoobe iyo ciidamada Itoobiyaanka iyagoona ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin dooni-meyno Axmed Madoobe,dooni meyno Ciidamada Itoobiyaanka iyo ereyo kale.

Dadkii ka hadlay fagaaraha banaa-baxa saaka ka dhacay Balad-xaawo waxay sheegeen in Ciidamada Dowlada Itoobiya ee ku jooga magaca howlgalka AUSSOM ay fara-gelin ku hayaan arimaha gudaha Soomaliya iyagoo ka dalbaday Dowlada Somalia inay wax ka qabato arintaasi.

Isu soo baxyadaan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Ciidamada Dowladu si buuxda ula wareegeen gacan ku heyna Magaalada Balad-xaawo islamarkana kuwii Axmed Madoobe laga adkaaday una careen dhanka xaduuda Kenya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -