MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacabka Dagmooyinka Waaberi,Xamar-Jajab iyo C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray is diiwaan-galinta doorashooyinka qof iyo cod ee la rajeynayo in lagu soo dooro golaha deegaanka caasimada,gobolada ilaa madaxweyne Qaran.Waxaa saaka la arkayaa shacaba Sedexda Degmo oo safaf dheer dheer ugu jira qaadashada kaararka wax lagu dooran doono insha Allaah,waxaana labada degmo u hadlay masuuliyintooda kuwaasoo ka war bixiyay sida ay saaka shacabkoodu u qaadanayaan kaarar cod bixinta.
Gudoomiyaha degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay inay maanta bilaabeen diiwaangelinta doorashooyinka qofd iyo cod.
“sidaad aragtaan shacabka Waaberi yar iyo wayn waxay u soo baxeen is diiwaangelinta,waxaana rajeynayaa in Waaberi noqon doonto Degnmada ugu laandheersan ee is diiwaan gelisa”ayuu yiri Gudoomiyaha Waaberi
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Xamarjabab Ismaaciil Maxamed Xuseen ayaa wariyayaasha u sheegay in Shacabka degmadiisu ay xili hore isku diyaariyeen sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada C/casiis ayaa saxaafada u sheegay in goobihii ay u qorsheyeen in shacabku iska diiwaan geliyaan aad loo buux dhaafiyay ,isagoona carabka ku adkeeyay inay raneynayaan in rere C/casiis noqdaan kuwa ugu fiican ee is diiwaan geliya.
XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM













