HomeWarkiiShacabka Doolow oo isu soo bax ku muujiyay damaca Ciidamada Itoobiyaanka ee...

Shacabka Doolow oo isu soo bax ku muujiyay damaca Ciidamada Itoobiyaanka ee gumeys doonka doonka ah

DOOLOW (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo isugu soo baxay shacab dhigaya dibad bax ay kaga soo horjeedaan hab dhaqanka ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Dooloow kuwaasoo ku jooga magaca howlgalka AUSSOM.

Shacabka ku dhaqan magaalada oo dumar u badna ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay isku dayayaan inay si dad-ban u gumeystaan shacabka reer Gedo gaar ahaan reer Doolow.

Ujeedka ugu weyn ee isu soo baxaya ay ka cabanayeen ayaa ah in Itoobiyaanku xir xireen odayaal ka tiran Magaaladaasi ,sidoo kalana 3 maalin u qabteen C/rashiid Janan iyo ciidamada Dowlada inay Balad-xaawo kaga baxaan.

Isu soo baxayaasha haweenka u badnaa ayaa wacad ku maray inay hubka qaadan doonan lana dagaali doonaan ciidamada Itoobiya islamarkaana aysan aqbali karin damaca Itoobiyaanka ee ah sida ay sheegeen inay u maamulaan Gedo ee sida dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kale.

Isu soo baxayaasha waxay Dowlada Soomaaliya u cadeeyeen inay Itoobiyanku doonayaan qaab gumeysi oo kale ah inay ula dhaqmaan reer Gedo sidaas daradeedna ay ka dalbanayaan Dowlada inay soo gaarto Dooloow.

Xaalada cakiran ee cawaada Itoobiyaanku muujinaaan wali kama aysan hadlin Wasaarada Gashaandhiga Somalia iyo waliba madaxda sare sare ee dalka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -