HomeWarkiiShacabka Gaza oo markaan koox koox ugu dhimanaya Gaajo iyo haraad

Shacabka Gaza oo markaan koox koox ugu dhimanaya Gaajo iyo haraad

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ugu dhintay gaajo xaafadaha marinka  Gaza, taasoo ka dhigeysa tirada dadka gaajada u geeroyooday 111, oo ay ku jiraan ugu yaraan 80 carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza iyadoo 109 kooxood oo gargaar ah ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado Israa’iil, iyagoo ka digaya in “Gaajo baahsan ay ku sii fideyso” guud ahaan dhulka.

Midowga Yurub ayaa uga digay Israa’iil inay tallaabo ka qaado dhibaatada gaajada ka sii daraysa ee Gaza, iyadoo Maraykanku uu sheegay in ergayga Trump, Steve Witkoff, uu Yurub u aadi doono wadahadallo xabbad-joojin ah iyo gargaar “dariiq”.

Si kastaba Dagaalka Israa’iil ee Gaza ku soo qaaday isu geyn tan iyo 2023-kii waxaa lagu dilay 59,219 qof, waxaana ku dhaawacmay 143,045.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEER
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMLIVE: Israel pounds Gaza as forced starvation kills 10 more Palestinians

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -