Warbixinadeenii taxanaha ahaa ee ay qoraan wariyayaasha Africa ayaa waxaa wariyaha u dhashay dalka Kenya Waihiga Mwaura uu ku eegayaa walaaca dalkiisa ee ku aadan heerka deynta sii kordheysa ee lagu yeelanayo.

Wadamo badan ayaa baahi aad ah u qaba hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo in ay deymaha ay ka doonayaan la ansixiyo.
Waxay ansaxintaasi tusinaysaa kalsoonida lagu qabo in dalkaasi deynta la siiyay uu awoodo in uu dib isaga bixiyo lacagaha dul saarka.
Balse tani ma aha waxa ay dadka Kenyanka ku fikirayaan oo ma doonayaan in hay’adda IMF ay lacago dheeraad ah siiso dalkooda.

”Raxan Shini ah ‘
Dadka Kenyanka ah ee isticmaala barta Twitter-ka ayaa ku qasbanaaday in ay naftooda xisaabiyaan.
Waa lala barbar dhigay sida in ay yihiin shini. Isniinti ayay ahayd markaasi oo kooxda la baxday KOT ay dareenkooda u jeediyeen hay’adda lacagta aduunka ee IMF.
Labo maalin ka hor markii hay’adda IMF ay ku dhawaaqday inay Kenya siinayso lacag deen ah oo dhan $2.3bilyan si loo taageero jawaabaha ay Kenya ka bixinayso feyriska Crona iyo isabadal dhaqaale oo ay dowladda tiigsanayasay.
Ku dhawaaqidda deynta ee IMF ayaa ku soo beegantay xilli daraasad la sameeyay ay muujinayso in 5-tii qof oo Kenyan ah-ba ay 4 qof ka walaacsan yihiin kana baqayaan islamarkana ka careysan yihiin culayska deynta Kenya la siiyo.
Galinkii dambe ee Isniinta ayaa waxaa si wayn u wareegayay barta Twitter-ka Haashtaag #StopGivingKenyaLoans.

Waxa sidoo kale dadka lagu dhiirigaliyay in ay saxiixaan codsi dhanka internet-ka.
Waxaa codsigaasi dadka ay saxiixeen lagu dalbanayo in hay’adda IMF ay dib ula noqoto lacagaha deynta ee ay siinayso dowladda Kenya.
Dadka Kenya ee ka soo horjeeda deenta IMF ayaa ku dooday in lacagihii hore ee deynta ee la siiyay dowladda aan loo iticmaain sidii loo baahnaa.
Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa difaacay lacagtan deynta ee la siinayo Kenya isaga oo sheegay in ay doonayaan in lacagahan ay ku taageeraan ganacsiyada yaryar waxaa uuna ka digay “musiibo bina’aadanimo oo soo fool leh”.
Balse dadka aadka u badan ee isticmaala baraha bulshada ee arrintan ka soo horjeeda hadalka wasiirka kuma qancin.
Si aad u fahanto in deymaha IMF aysan Kenyanka ku faraxsanayn waxaad u baahan tahay in aad dib u laabato 10 sano markaasi oo la soo saaray dastuurka cusub.
Korarka deymaha Kenya
Markii sanaddii 2010 ay dadka Kenya ansixinayeen dastuurka ayaa waxaa looga gol lahaa in lagu saxo tacadiyadii ay geysteen dowladihii hore.
Waxaa uu dastuurkani oranayaa waa in ay jirtaa daahfurnaan, isla xisaabtan iyo in dadka ay ka qeyb galaan maamulka qaabka wax loo maareeyo.
Markii ay dowladda imika xilka haysa awoodda la wareegtay 2013 waxa deynta lagu leeyahay Kenya ay ahayd $16 bilyan oo dollar.
Balse imika deynta lagu leeyahay Kenya ayaa gaaratay $70 bilyan taasi oo ka badan 10 jeer intii ay ahayd 10 sano ka hor.
Qaar ka mid ah deymahan ayaa waxaa saldhig looga dhigay fulinta mashaariic waawayn oo dalka wax ka badalaya, shaqa abuur iyo sare u qaadida dhaqaalaha mustaqbalka.
Tusaale ahaan waxaa mashaariicdaasi ka mid ah waddo tareen oo isku xirta gobolka xeebta iyo Nairobi oo lagu dhisay lacag deyn ah oo ay Shiinaha bixiyeen, waxaana xarigga laga jaray wadadaasi 2017.
Balse waxaa jira shaki ah in tareenkaasi shaqadiisa ay khasaaro soo hoyinayso islamarkana dowladda faahfaahin kama bixin arrintaasi.
Qaar ka mid ah mashaariicdani ayaa sidoo kale loo arkaa in ay yihiin wadiiqooyiin loo maro musuqmaasuqa.
Ka hadalka deynta ayaa cirka isku shareertay 2018 markaasi oo mid ka mid ah xildhibaanada oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda uu sheegay in sharci dajiyayaasha ay ku guuldareysteen inay xakameeyaan deynta sii kordheysa ee dalka.
Moses Kuria ayaa sheegay “tan iyo sanaddii 2014, waxaan Kenyanka ka iibinaynay sheekadan quruxda badan ee ah wax walba in ay hagaagsan yihiin ” -balse wax walba ma hagaagsaneyn.
Mid ka mid ah kiisaska musuqmaasuq waa kiis musuqmaasuq ee sida la sheegay uu ku lug lahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Henry Rotich kaasi oo imika maxkamad hor yaalla.

Waxaa lagu eedeeyay in uu lacago ka badan intii loogu talagalay uu ku bixiyay qandaraasyo, waxaana loo haystaa lacag ka badan $150 milyan.
Mr Rotich ayaa beeniyay dhammaan eedeeymaha loo soo jeediyay.
Horaantii sanadkan, madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dalka maalin kasta musuqmaasuq ay kaga lunto lacag dhan $18 milyan oo doolar.

Deynta oo badata waa canshuurta oo korodha
Iyada oo ay arrintan jirto, baarlamaanka waxay ku guul dareysteen shaqadoodii ahayd inay xakameeyaan deymaha, waxa ayna ansixiyeen dhammaan codsayadii deyntii ay dowladda dalbanaysay.
Deynta lagu leeyahay Kenya ayaa imika ah mid si aad ah u sareysa islamarkana waxay dowladda Kenya la daala dhaceysaa bixinteeda.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadana waxa ay dowladda doonaysaa inay qaadato deymo kale, balse Kenyanka oo imika og cidda ay tahay inay bixiso deyntaasi ayaa u arka in dowladda ay si xun u isticmaalayso arrintani.
Canshuurta ayaa imika ah mid sareysa islamarkana waxaa dhamaaday bishii December canshuur dhaafkii ay dowladda sameysay ka dib markii uu dalka ka dilaacay feyriska Corona.

Waxa ay sidoo kale dowladda sare u qaday qiimaha shidaalka.
Dhanka kale xayiraado la soo rogay carona awgii ayaa waxaa saameeysay awodii ay dadka lacag ku shaqeysan lahayeen.
Dad badan ayaa sidaa daraadeed imika isha ku haya deynta IMF iyaga oo ka shakisan inay sababi karto musuqmaasuq baahsan iyo canshuurta oo la kordhiyo.

Ma cadda ilaa iyo hadda in uu wax badali doono ololaha ka socda baraha internet-ka, balse maadaama ololaha doorashada madaxwaynanimada 2022 uu imika bilaabanayo musharaxiinta waxay ku qasban yihin inay dhageystaan shacabka taasi oo ku aadan qaabka dowladda loo maalgaliyo.
.

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here