Kumanaan ka mid ah Shacabka Dalka Lubnaan ayaa hada bilaabay inay barakacaan markii Israa’iil ku goodisay weeraro kale xili maalmo ka hor ay ahayd markii heshiis laga gaaray dagaal ay shacab badan dib ugu laabteen guryahooda.
in ka badan hal milyan oo qof oo ku barakacay Lubnaan ayaa ku noqday guryahoodii xabbad-joojintan awgeed balse hada wajahaya barakac kale.
Dadkii dhawaan ku laabtay xaafadahoodii ayaa intooda badan waxay qiimanayeen bal inguryahoodii bad baadeen inay ku bubureen dagaalada,qaarkood waxay ka fakariyeen inay dib u hagaajin ku sameeyaan burburka guryahooda soo gaaray.
Hanjabaada cusub ee ka timid Israa’iil ayaa la soo sheegayaa inay tahay la wareegitaanka tuulooyin Lubnaan ka mid ah waana sababta barakaca cusub keentay.
Mukhtaar oo ka mid ah hoggaamiyaha bulshada tuulooyinkan la siiyay amarradan cusub ee daad-gureynta qasabka ah maanta sheegay in boqolkiiba 75 dadku ay soo noqdeen xili mar kale barakac loo diyaarsan yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
