MANDERA (DAYNIILE.COM)-Shacab careysan ayaa isugu soo baxay Magaalada Mandera ee xad beeneedka Somalia iiyo Kenya gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo PP1 kaasoo aad ugu dhaw Magaalada Balad-xawo ee Gobolka Geddo.
Shacabklaan ayaa Dowlada Kenya iyo xildhibaanada ku matala Kenya waxay ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga raro ciidamada Maamulka Jubaland ee ku sugan deeganka PP!1 ee Mandera ka tirsan.
Shacabka ayaa isu soo baxooda ku muujiyay dhibaatada iyo cabsida ay ku hayaan shacabkaasi ciidamada Maamulka Jubaland oo markii Balad-xawo lagu soo jabiyay u talaabay dhanka Mandera oo Dowlada Kenya ay ka taliso.
Banaan-baxayaasha waxay cabasho ka muujiyeen in qarax dhawaan ka dhacay deegaanka PP1 ay ku dhimatay hooyo Soomaaliyeed islamarkaana ay ku dhaawacantay Gabadheed,sidoo kale waxaa jira madfac ay sheegeen inuu ka yimid dhanka Balad-xaawo oo ku soo dhacay Mandera balse aan cidina wax ku noqon.
Sidoo kale waxay ku habjabeen isu soo baxayaasha in masuuliyiintii deegaanka ee ay hore u doorteen inaaney dooran doonin 2027-ka marka la qabto doorashoyinka guud ee dalka hadii aaney degdeg wax uga qaban cabashadooda oo aysan ka rarin ciidamada Axmed Madoobe.
Shacabka waxay fariin u direen Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto iyagoona sheegay in dalka uu isaga u sareeyo ayna ka dalbanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro deegaankooda ciidamada Axmed madoobe.
“Maamadii meeshaan ku dhimatay wax masuul ah oo yimid iyo mid ka hadlay ma jirto, reer PP1 way guurayaan hadii aan naaga saarin ciidamada hubeysan ee Somalia nooga yimid”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlayay banaan baxa kaasoo madaxweyne Ruto ugu baaqay inuu xilalka ka qaado kuwa ku matala Dowlada deegaanadooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
