MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Degmada Kaaraan ayaa ka cabanaya canshuur si sharci daro ah looga qaadayo xili aaney jirin wax lagu soo celiyo bulshada hadey koronto tahay,haday biya tahay,haday waxabrasho tahay iyo haday caafimaad tahay.
Muuqaal baraha bulshada ku faafay ayaa muujinaya Askari Booliis ah oo guri ku yaal Demada Kaaraan u adeegsanaya awood Dowladeed ,muuqaalka wuxuu cadeynayaa askariga oo isku dayaya inuu haraati ku jabiyo ganjeelka inkastoo ay adag tahay in haraati lagu jabiyo ganjeel bir ah.
Cabashooyinka qaar ayaa lagu sheegaya in cabshuurtaan oo lagu sheegay tii wasaarada maaliyada in sanadkii laba jeer la weydiinayo xili cabshuurta guryaha ay sanadle tahay sida caadiga ah.
Lama yaqaan sida uu Gudoomiyaha Degmada Kaaraan uga falcelin doono muuqaalkaani sumcad xumida dowladeed ah ee baraha bulshada ku faafay ,madaama xitaa hadii canshuur la qaadayo ay ahayd in si aqlaaq ku dheehan shacabka looga qaado canshuurta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
