HomeWarkiiShacabkii dhawaan laga saaray Siliga Towiiq oo maanta hor istaagay cabiraad dhul...

Shacabkii dhawaan laga saaray Siliga Towiiq oo maanta hor istaagay cabiraad dhul oo Dowladu waday iyo iska hor imaad dhexmaray

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacab careysan ayaa maanta duhuradii waxay iska hor imaad la galeen oo buuq ku fureen ciidamada Booliiska Somalia iyo shaqaale ka socday Maamulka Gobolka Banaadir xili ay rabeen inay cabiraan dhul Dowladu ku lahayd Xaa Dowladuada Siliga Towiiq Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho halkaasoo dhawaan laga saaray shacab mudo ka badan 30 sano deegaansaday.

Shacabkii hore looga burburiyay gurihii ay ku noolaayeen oo diidan in ganacato loo cabiro ayaa dhagxeeyay ciidamada Dowlada taasoo keentay sida wararka qaar sheegayaan in ciidamadu rasaas nool nool ku ridaan shacabka inkastoo wax khasaare ah aan la soo sheegin intaan ka war heyno.

Sida muuqaalada laga soo duubay aad ka arki kartaan Shacabka ayaa si dhiiran ay u burburinayaan jiingad Dowladu ku wareejisay dhulka laga saaray shacabka oo asalkii hore ahayd xero ciidamada Xooga dalku lahaayeen balse burburkii kadib dad shacaba ay iska deegaansadeen iyagoo guryo ka dhistay u badan jiingado.No description available.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka laga soo duubay dhibatada ka dhex taagan ciidamada iyo shacabka:-

XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -