HomeWarkiiShacabkii laga saartay dhulka Dowlada oo ka cabanaya inay Muqdisho dhexdiisa ku...

Shacabkii laga saartay dhulka Dowlada oo ka cabanaya inay Muqdisho dhexdiisa ku yihiin barakacayaal buushash degan

No description available.MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-isbadal ayaa noloshooda soo wajahay hooyooyinkii iyo caruurtii dhawaan Dowladu ka saartay guryihii ay ka danaayeen in muda ah Magaalada Muqdisho halkaasoo ahayd asal ahaan dhul Dowlo, cabashadii ugu xooganeyd ayay muujinayaan xiligaan.

Hooyooyinkaan oo ayaa wareysi ay siiyeen Risaala TV waxay ku sheegeen iney ku dhacday wax aysan Madaxweyne Somaliyed ka ileyn sida ay warka u dhigeen taasoo ah inay maanta barakacayaal ku dhex yihiin gudaha Magaalada Muqdisho.

“Xamar dhexdiisa ayaa barakac ku noqonee weligey isma dhaheenin oo madaxweyne ayaa saan wax yeelaa,Xasan Sheekh ka hor ma arag” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinkaasi

Mid kale ayaa tiri Maxamed Siyaad dadka uu ka kicin jirey dhulalka Dowlada wuxuu geyn jirey sablaale iyo meelo kale oo dhul ayuu siin jirey hada meel nala geeyay ma jirto.

“Madaxweyne Xasan waxaan ka codsaneynaa inuu dib noo soo raadsho oo hoy na siiyo madaama halkii aan daganey ay iibsadeen ganacsato”ayay tiri hooyo u warameysay Risaala TV oo hada ku sugan Kaam ay ka degeen duleedka Magaalada Muqdisho

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -