Waxaa Magaalada Muqdisho  ka socota Diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda sida uu sheegay Guddiga BFS u qaabilsan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 11aad.

Guddiga qabanqaabada doorashoyinka Guddonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharraxnimo gudoonsiyey musharrax Guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah musharaxiinta dooneysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

May be an image of 1 person and standing
Aadan Madoobe Musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

May be an image of 2 people and people standing
Maxamed Cumar (Caananuug) musharax Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BFS.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 21 Bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here