Guddiga doorashooyinka Heer federal ayaa bilaabay bixinta shahaadada Rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada laba gole ee barlamaanka 11aad kuwaasi oo dhawaan lasoo doortay.

Saakay oo jadwalka uu ahaa in la bilaabo qaadashada shahaadada xildhibaanada ayaa waxaa xarunta guddiga gaaraya xildhibaanada Cusub, waxaana ilaa hada qaatay shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanada golaha shacabka , 11 Xildhibaan oo labada gole ka kala tursan.

Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug)

Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow

Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa.

Xildhibaan Mohamed Omar Aimoy

Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer)

Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas.

Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye.

Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi

Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan-Dhabancad.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Xarunta ay ka socoto doorashada waxaa buux dhaafiyay boqolaal Xildhibaan, kuwaasoo doonaya in ay qaataan Shihaada Xildhibaanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here