Jihyun Park iyo Timothy Cho waxay kasoo qaxeen gaajo, hoy la’aan iyo xabsi ay ku gali lahaayeen gudaha Kuuriyada Waqooyi labadooduna hadda waxay fursad u heleen in ay u tartamaan doorashooyinka maxalliga ah ee UK ka dhacaya bishan.\

Waxaa la aaminsan yahay inay noqon doonaan dadkii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Kuuriyada Waqooyi ee si dimuqraaddi ah looga doorto waddan ka mid ah caalamka marka laga soo tago Kuuriyada Koonfureed. BBC-da ayay uga sheekeeyeen baxsashadoodii bareerka ahayd, dhibaatadii ay kala soo kulmeen safarka ay ku tageen ilaa UK iyo sababta ay u doonayaan siyaasadda Ingiriiska.

Carar ama dhimo
Jihyun Park waxay gacanta qabsatay walaalkeed ka yar waxayna eegtay xadka Shiinaha, waxa kaliya ee u muuqdayna waxay ahayd in aysan fursad kale heysanin. Aabbeheed aad ayuu u xanuunsanaa adeerkeedna wuxuu u dhintay baahi, waxay dareentay in labada arrimood ee hor taalla ay tahay inay cararto ama dhimato.

Xilligaas waxay ahayd 1998-kii oo waddanka Kuuriyada Waqooyi ay ka jirtay cunto la’aan baahsan maadaama burburkii midowgii Svoiet ay kala kulmeen khasaare aad u weyn. Tirada guud ee dadka Kuuriyada Waqooyi ugu dhintay gaajo awgeed lama oga, laakiin waxaa lagu qiyaasaa ilaa saddex milyan oo ruux.

Hase yeeshee dhibaatooyinka kuma aysan ekaanin markii ay ka soo baxsatay dalkeeda.

Markii ay Shiinaha tagtay kaddib, Park qofkii safrinayay ayaa ka iibiyay nin beeraley ah oo u dhashay Shiinaha wuxuuna ku gaday lacag dhan $700, khasab ayuuna ninkii ku guursaday.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadahana waxay sheegaan in haween badan oo reer Kuuriyada Waqooyi ah la afduubtay xoogna loogu guuriyay niman Shiinaha u dhashay, sida Park oo kale. Halkaas ayay ku xayirmaan sababtoo ah haddii ay gacanta ciidanka Shiinaha galaan waxaa dib loogu celinayaa Kuuriyada Waqooyi.
Addoonsi iyo xabsi

Iyadoo sidii addoon ula nool qoyska ninkii khasabka ku guursaday ayay Park dhashay wiil uu ka dhalay ninkeeda maandooriyaha xad dhaafka u caba. Maadaama ay ka cabsaneysay in la xiro oo la ogaado inay sharci darro ku joogto Shiinaha, Park waxay ku dadaali jirtay in iyada iyo cunugeeda aan la arkin ayna iska ilaaliso halista ah in dib loogu celiyo Kuuriyada Waqooyi.

Laakiin shan sano markii ay nolol fool xun ku joogtay Shiinaha waxaa qabtay booliska dalkaas, cunuggii ayay ka qaadeen waxayna ku celiyeen Kuuriyada Waqooyi.

Maadaama Shiinaha uu dadka soo goostay u arko soo galooti sharci darro ah halkii uu uga qaabili lahaa qaxootinnimo, wuxuu qof walba oo ka yimid Kuuriyada Waqooyi ku celin jiray dalkaas haddii la qabto. Taas Shiinaha kama hor istaagin inuu qeyb ka yahay heshiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha qaxootiga oo la saxiixay 1951, kaasoo mamnuucaya in qaxootiga lagu celiyo waddan ay ku wajihi karaan khatar ku saabsan maxkamadeyn iyo jirdil.

“Qoyskeyga waxaan ku waayay Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha labadaba, waana garanayaa sida ay xanuun u leedahay,2 ayay Park ku tidhi BBC-da.

Markii Park dib loogu celiyay Kuuriyada Waqooyi 2004, waxaa la dhigay xabsi waxaana lagu khasbay shaqaalenimo, halkaas ayayna kula kulantay jirdil iyo maxkamadeyn.

Xaaladda xerada ay ku xirneyd oo aad u liidatay awgeed, Park waxay go’aansatay in ay mar kale baxsato, ayna u bareerto khatarta xadka Shiinaha – qalbigeeda wuxuu aad u rabay in ay aragto wiilkeeda ay kasoo tagtay.

Sidaas darteed way baxsatay mar labaad waxayna dib ula kulantay wiilkeeda, oo ay dayaceen qoyskiisii.
Guri cusub

Sanadkii 2005, waxay la kulantay ninka ay hadda xaaskiisa tahay xilli ay ku guda jirtay safar guul darreystay oo iyada iyo dad kale oo reer Kuuriyada Waqooyi ah ay ku aadeen Mongolia.

Kaddib markii ay gaajo sidii hore aad uga daran ku haleeshay saxaraha muddo dhowr maalmood ah, waxay ku laabteen Beijing waxayna ka dadka kale ilaa markii dambe uu baadari reer Kuuriyada Koonfureed ah ku hagay xafiiska Qaramada Midoobay.

Qoyskan waxaa ugu dambeyn la siiyay magangalyo waxaana dib u dajin loogu sameeyay UK sanadkii 2008. Laakiin ma sahlaneyn in nolosha cusub ay durba la qabsadaan, caqabado badan oo qabsadayna waxaa ka mid ahaa luuqadda oo dhibeysay.

“13 sano ayaa ku noolaa Bury (oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee England). Intii aan xaafaddaas ku sugnaa waxaa caawinaad ka helay dad badan oo isoo dhaweeyay inkastoo aanan aqoonin luuqadda Ingiriiska. Markii ay igu dhaheen ‘soo dhawoow’ waan ilmeeyay waxaana erayadaas ka helay dhiirrigalin.”

Park oo markii hore macallimad ka ahayd Kuuriyada Waqooyi waxay ka shaqo billowday makhaayad ku taalla magaalada Manchester waxayna luuqadda Ingiriiska ka baraneysay xarun dadka waaweyn wax lagu baro. Hadda waa haweeney u doodda xuquuqda aadanaha ee Kuuriyada Waqooyi, waxayna billowday inay dadka kasoo carara Kuuriyada Waqooyi ka caawiso sidii ay u dagi lahaayeen UK.

Markii ay ku biirtay xisbiga Conservative-ka 2016-kii, dadka qaar waxay su’aalo ka keeneen sababta ay xisbigaas ku dooratay. Waxay sheegtay inay aad u qiimeyso xorriyadda ayna aaminsan tahay in xornimada iyo arrimaha qoyska ay ka mid yihiin mabaadiida ugu waaweyn ee xisbiga muxaafiska ah.

Xisbigan ayaa hadda Park u xushay inay ka mid noqoto murashaxiintooda u tartamaya doorashooyinka maxalliga ah ee dhacaya bishan.

“Murashax ahaan, waxay ila tahay in awooddeyda ay tahay xorriyad. Dadku inta badan waxay ka hadlaan xornimo, laakiin waxaan u maleynayaa in dad badan aysan aqoonin micnaheeda dhabta ah. Waxaan kusoo noolaa Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha, waxaana ogahay waxay ay xornimo tahay. Xorriyaddu waa inaan ogaado qofka aan ahay, taas ayaana ah waxa aan qiimeynta ugu weyn siiyo.”
Cunug dawarsada

Timothy Cho, oo 33 jir ah, wuxuu ku noolaan jiray waddooyinka Kuuriyada Waqooyi isagoo ah cunug aan hoy lahayn – oo loo yaqaanno ‘kotjebi’ – intii uu waddanka ku jiray baahida ba’an. Wiilkan oo agoon ahaa wuxuu wareegi jiray jidadka isagoo raadinaya raashin iyo hoy ka hor inta uusan u baxsanin dhinaca Shiinaha sanadkii 2004.

“Waxaa waalidkeyga la iga fogeeyay anigoo ilmo yar ah. Labadooduba waxay ahaayeen macallimiin, aabbeheyna wuxuu iskuulka ka dhigi jiray maaddada taariikhda. Laakiin wuxuu ceeb u arkay inuu carruurta baro taariikh been abuur ah, dhibaato ayuuna la kulmay. Sidaas awgeed, labadoodaba way ka carareen waddanka, kaligey ayayna iga tageen,” ayuu yidhi Cho.

Dad badan ayaa ku dhintay baahidii ku dhufatay Kuuriyada Waqooyi 1990-meeyadii, markaasna Cho wuxuu dhibaato ka marayay inuu dad qaraabo ah helo si ay u caawiyaan.
Markii uu sannado joogay waddooyinka, wuxuu tagay guriga ayeeyadiis si uu iyada lafteeda uga caawiyo baahida, laakiin wuxuu durba ogaaday in rajadiisu ay yareyd – mar walba waxaa loo aqoonsanaa inuu ahaa wiilka uu dhalay “nin dalka khiyaanay”.

“Waxaan ogaaday in aan aabbeheey dartiis uga mid noqday mid ka mid ah dadka loogu neceb yahay Kuuriyada Waqooyi. Mar ayaan macallinkeyga u sheegay anigoo ilmeynaya in haddii uu aabbeheey khiyaanay waddankiisa xitaa aysan taasi micnaheedu ahayn inaan anigana la mid ahay. Laakiin cidna ima dhageysanin.”

Cho wuxuu go’aansaday inuu ka cararo Kuuriyada Waqooyi, kaasoo ahaa go’aan xanuun badan maadaama uusan qorshaha ugu jirin inuu dib u laabto. Wiilka dhowr iyo toban jirka ahaa waxaa u suuragashay inuu ka gudbo xadka Shiinaha, laakiin waxaba kama uusan ogeyn waxa ka horreeyay.

Intii uu isku dayay inuu u tallaabo xadka Mongolia, waxaa qabtay booliska, dib ayayna ugu celiyeen Kuuriyada Waqooyi, sidaas ayaana lagu xiray. Taas ayaa u sababtay dhibaato dhinaca dhimirka ah oo muddo dheer heysatay.

“Waxyaabaha ugu cabsida badnaa waxaa ka mid ahaa dhageysiga qeylada qofka kugu xiga ee xabsiga kugula jira. In aad ku dhimato garaacis ayaa ka cabsi badan geerida baahida. Dhaawicii maskaxda iga gaaray muddo dheer ayuu i heystay – xitaa markii aay dagay UK kaddib, habeenkii ayaan hurdada kasoo boodi jiray anigoo aqoonin meesha aan ku suganahay. Waxay ila ahayd sidii inaan maqlayo cabaadka dadkii la garaacayay,2 ayuu yidhi Cho.

Wuu kasoo badbaaday xabsiga, mar kale ayuuna tagay Shiinaha, laakiin mar labaad ayaa la qabtay.

Hase yeeshee, warbaahinta caalamiga ah ayaa tabisay warka ku saabsan in koox reer Kuuriyada Waqooyi ah oo uu isagu ku jiro ay sugayaan in dib loogu celiyo waddankooda, islamarkiina waxaa Shiinaha lagu qanciyay in dadkaas uusan ku celinin Kuuriyada Waqooyi.
“Wax aan sameyn karay ma jirin oo aan ka ahayn inaan duceysto, ilaa haddana waxaan u maleynayaa inay ahayd mucjiso,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cho.

Sidii uu siyaasadda ku galay

Sanadkii 2008, Cho waxaa qaxooti ahaan looga diiwaan galiyay UK wuxuuna helay nolol cusub. Sida Park oo kale, wuxuu la kulmay caqabado adag oo ku aaddan bulshada cusub.
Intii uu sugayay in uu iskuul billaabo, Cho wuxuu ku biiray koox samafaleyaal ah oo caawiya dadka darbi jiifka ah.

Qaabkaas ayaan markii ugu horreysay ku bartay Ingiriiska, anigoo la noolaanayay dadka hoy la’aanta ah ee ku jiray xaalad la mid ah tii aan anigu soo maray.”
Kaddib wuxuu billaabay inuu barto cilmiga siyaasadda wuxuuna qaatay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda oo uu ku bartay xiriirka caalamiga ah iyo amniga. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Liverpool.

Markii uu waxbarashada dhameystay wuxuu ku biiray siyaasadda isagoo ka billaabay inuu kaaliye u noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK sanadkii 2018.

BBC
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here