Han kasta oo qofka Hawiye ku dhaho waan leeyahey waa inta uu banaanka Sabta ka joogo laakinse haddii loo soo daayo Sabta, abaal aan caadi aheyn ayuu muujiyaa…waana sida caaway ii muuqata xaqiiqdii…

Runtii waa wax aan jeclaan lahaa anigoo Hawiye aheyn in aan arko intaas laga gudbo oo la helo shaqsi Hawiyaa oo yiraahda waxaan ma yeelayo kuna adkeysto.

Balan qaadyadii Rooble iyo Abdulahi Mohamed Nuur waxey ahaayeen kuwo aan marnaba run aheyn laakinse lala sugayey Muufada iyo Maraqa inta leysla helayo waana leysla helay baan filayaa.

Walaashay Ikraan haddii ay dhimatay uma baahna cadaalad laakinse waxa cadaaladda u baahan waa aniga Caam Caam ah,Rooble iyo Abdulahi Mohamed Nuur oo maantay Maraqu ugu jiro aaanan ogeyn in ay leysan doonaan…

Mohamed Abdulahi Farmajo waa ina adeerkay kumana taageerayo in uu noqday dad qal dowladnimo ku jirtana ma jirto in gabar Somaliyeed si waxuushnimaa bini aadamnimadana ka baxshan loola dhaqmo meelna aan lagu sheegin geeri iyo nolol.

War bixintii maantay waxay aheyd war bixin aan u fiicneyn Rooble iyo kooxdii baahneyd ee beenta noo sheegtay noogana baxay…

Ummadda Somaliyeed waxaan ku lee yahey wax qaldan marey wax wanaagsan inoo dhalayaan ma jirto, waxaana ka kow ah in dadka si micno darro ah loo laayo war bixin xaqiiqda ka fogna lagu soo gunaanado oo runtii na qaban…

Hadal iyo dhamaantiis: Rabbii talo ku filan!!!

Caam caam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here