Askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Muqdisho ku dilay Cabdiqaadir Tahliil Cali, oo kamid ahaa ardayda sannadkan ka qalinjebisay Jaamacadda Daaha ee Muqdisho.

Wiilkan ayaa shalay u aheyd isaga iyo qoyskiisa maalin farxadeed oo aad u weyn , maantana isaga waa meyd, qoyskiisana murugo iyo tiiraanyo ayey ku jiraan.

Cabduqaadir ayaana ka mid ahaa Ardayda sanadkaan dhamaysatay Kulliyadda culuum kombutarka Iyo injineeriyadda gaar ahan qaybta tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Daaha.

Ilaah ha u naxariisto samir iyo iimaana haka siiyo qoyskiisa

Qore Gacal Ayman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here