Jiilka Maanta Jooga ee 30 jirada ah ayaa laga yaabaa in ay ku wareeraan Taariiqda dhacdadaas & Waxa sababay, iyadoo Qof walba say rabto u xariiqday sooyaalka taariiqda ee ku qotoma Dhacdadaas,

1991dii Soomaaliya ayaa gadhay colaad Jabhad taasoo xukunka looga tuuray Madaxwayne Maxamad Siyaad barre, dagaalka oo markii hore ku bilowday goos goos ayaa markii dambe sii xoogaystay waxaana kala xirmay caasimadda Muqdisho ,

Maalmihii hore waxay ciidanka USC lawareegeen Jidka wadnaha waxa ka xakeeyo iyadoo Weli Ciidan Milatari kujiraan Xerooyinka Duleedka Muqdisho, Waxaa dhacay xasuuq dadka loo beegsanayay Qabiilkiisa, Waxaana Mayd Tuban Noqday dhowr Meel oo Magalada Kamid ah, sida Isgoyska howlwadaag Dhanka Xigta Shirkadaha oo Maalintaas aysan ahayn sida ay hada tahay,

Ka saaristii Siyaad barre ee Magaalada Caasimadda Kadib, waxaa aad loogu dul Dagalamay Dhulka shabeelaha hoose iyo baay & bakool, halkaasoo dadkii deganaay ee Xoolo dhaqatada noqdeen dhibanayaal lagu dul dagaalamo oo xoolahooda Saad looga dhigto dagaal labada dhinacba,

Halkaas waxaa ka dhacay Macluushii ugu xumayd iyadoo Lawada gubay Dalagii beeraha oo ay gubeen Madaafiicda holcaysa ee labada dhinac isku adeegsanayaan,

Muqdisho oo La keenay Dowladdii uu hogaaminayay Cali Mahdi ee lagusoo dhisay Jabuuti ayaa Sal dhigatay hooyga Cali Mahdi ee Dhabarka dambe ee Golaha shacabka,

Waxaa bilaawday khilaaf u dhaxeeya Jeneraal Maxamed Faarax Xassan caydiid iyo Cali Mahdi oo ahaa Madaxwayne Kmg, Waxaana isku dhac kooban dhaxmaray Ciidankii kacdoonka oo uu hogaaminayay Xuussen Xaaji bood iyo Kuwa taabacsan Jeneraal Maxamed faarax Caydiid,

Maalmahaas Awoodda Jananka waxay ahayd Mid kooban oo aad uyar, Waxaana garabka Cali mahdi ahaay Beesha Saleebaan ciidan ka tirsan oo ilaalo ka ahaay Radio Muqdisho,

Isku dhacyo yar yar kadib Waxaa qarxay dagaalkii waynaa ee 4biloodka oo ka bowday Dhacdadii loo bixiyay ” Jananka & Jugta Jantaha” taasoo ka dhalatay markii Diyaarad hub iyo Mucaawino usita Dowladda kmg ah lagu weeraray Qoriga Zuuga & 37,

Labada Prof, ee kala ahaay Prof Ciise Maxamad Siyaad & prof Maxamed Faarax Jimcaale oo la taliyayaal u ahaay Jananka ayaa kala furfuray Coidankii Ashaamuudka ee Dowladda Kmg ah, Waxaana loo kala baxay Laba Qabiil oo kala Taageersan Cali & Caydiid,

Afar bilood oo Magaalada loogu dhamaaday Madafac & Gaajo, maydkuna tuban yahay Meel Walba, ayaa Waxaa beesha Caalamka oo fiirsan wayday Foolxumada taal Caasimadda Muqdisho waxay ka shaqaysay Xabadd Joojin , Eragaygii ugu horeeyay ay soo diryana noqday Mohamed Sahnuuni, waxaa kaloo la keenay Ciidamo Tira yar oo Korjoogto ka ah xabbad Joojinta,

Waxaa la helay Nafis yar, balse Magaalada dadkii ku haray ayaa noqday Wax Waashay oo xalaadda ka tanbisay iyo Wax ciuryaamay iyo in kaloo aad u duruufaysan jir ahaan iyo Maskax ahaan,

Waxaa kaloo Qm soo saartay go.aan ciidamo loogu dirayo Soomaaliya, Waxaana soo gaaray ciidamo ka socda wadamo badan oo dunida ah sida, Maraykan, Talyaani, Faransiis, Beljim, Sacuudi, Butuswana, Zimbabwe, Malesia, Bangaladesh, pakistaan & kuwo kale waxaana laxadiday maleeshiyaadkii Labada dhinac, waxaana Deeq raaahiin & Mid daawaba lagaarsiiyay meelo badan oo dalka ah siiba Gobolada koonfureed & Caasimadda oo ay ka taagnayd Macluushii ugu Xumayd, Magaalada baydhabo ayaa loo bixiyay Hooygii Geerida, Taasoo ka dhalatay Xadiga dadka maalin walba ku dhimanaya,

Waxaa la furay Kaamam lagu qaybiyo Raashiin bisil iyo Mid ceyriin, waxaana soo yara hagaagtay nolosha dadka kadib gurmadkii beesha caalamka,

QM ayaa bilaawday Wajiga labaad ee Howlgalkeda oo ah ka hortaha wixii sababay dhibaatada baaxadda leh ee ku habsatay Dalka soomaaliya gaar ahaan Gobolada koonfureed, Waxaana bilawday hub ka dhigis maleeshiyaadka hubaysan ee labada dhinac ee muqdisho iyo guud ahaan dalka,

Arintaas Waxaa diiday Jenetaal caydiid , waxa uuna hub badan ku kaydiyay qaybo kamid ah magaalada, dhanka kale qaybta cali mahdi way ogolaadeen,

Waxaa bilawday khilaaf u dhaxeeya caydiid iyo huwanta uu hogaaminayo maraykanka, waxaana la duqeeyay xarumo kayd u ahaay Jananka oo lagu burburiyay hub u badan saanad iyo Gaadiid dagaal,

Waxaa bilowday In warbaahinta layska cambaareeyo, Taageerayasha caydiid oo haystay Radio Muqdisho ayaa bilaabay dacaayad kadhan ah howlaglka QM ee uu Maraykanka horkacayo, taasoo keentay in Maraykanka duqeeyo Radio muqdisho isagoo u arkayay meel laga huriyo dagaalada sokeeye iyo dacaayada kadhanka ah Ciidanka QM.

Maalintaas ay dhacayso Duqaynta Waxaa howl Cunto qaybin ah ah ujoogo Iskuulka 21November ee kuyaala Isgoyska Aadan cadde ee dagmada howlwdaag, Ciidan ka socda walaalaha pakistaan oo qaybinayay Raashiin qalalan, taasoo ahayd howl ay qaban jireen maalin walba,

Ciidamo taabacsan Janaraal caydiid oo ka caraysan duqaynta maraykanka ee Radio Muqdisho, ayaa isku hareereeyay ciidankii pakistaan oo watay sadax gaari oo gaashaaman kuna howlanaay qaybinta Raashiinka Qalalan, halkaas waxaa ku dhintay oo lagu dilay 23 ka tirsan ciidanka pakistaan ee ku howlanaay qaybinta Mucaawinada, waxaana ka bad baaday oo kaliya laba askari oo dhaawac lagu qabtay,

Kadib dhacdadaas waxaa go.aan carro leh soo saaray taliska Maraykanka kaasoo ku aadan soo qabashada caydiid, dhowr isku day oo ay sameeyeen ciidan gaar ahaay oo loo yiqiinay Rangers oo lagu beegsanayay soo qabashada caydiid ayaa fashilmay, waxaana bilawday dagaal u dhaxeeya ciidamada saaran diyaaradaha helicopterka ee baadi koobka ugu jira caydiid iyo taageerayaasha hubaysan ee jananka,

Inta uu socday howlgalkaas ayaa waxa lasoo riday hal diyaarad oo helicopter ah iyo mid la sheegay in ay iskeed usoo dhacday Cillad farsamo, waxaan ku dhintay Askar maraykan ah, Mid kamid ah diyaaradaha lasoo riday oo ay saarnaayeen askar nool iyo kuwo dhaawac ah ayaa galay go’doon ,Howlgal lagu badbaadinayo ayaa socday Galab iyo habeen, Waxaana habeen barkii kaqayb qaatay ciidanka Maraykanka, Bangaldesh & Malesia, Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay agagaarka Degmada wardhiigleey halkaas oo ay ka dagaalamayeen ciidamo isugu jira Bangladesh & Malesiyaan, waxaana halkaas yaal illaa hadda gaari ay ka carareen ciidankaas laakiin Isla habeenkaas ay gubeen diyaaradaha Maraykanka, Dagaalkaan ayaa waxa ku dhintay Sahacab badan oo ay dishay xabbadaha ciidanka maraykanka ee hawada ka imaanayay iyo kuwa ay riidayaan ciidanka lugta ee wadamada shisheeye.

Hadaba 30jirka soomaaliyeedoow Dhacdadu waa intaas, Ka qaado waxaad ka fahantay.
By Avv Ibrahim Hasan Awaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here