HomeWarkiiShan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

1- In markii ugu horreeysay mucaarad ay Dowladda Federaalka kaga horyimaadaan wax aan siyaasad ama doorasho aheyn balse shacab dhibaateysan oo la garab istaagayo ay tahay, mucaaradka waa u GUUL.

2- In iyadoon wax bannaanbax uusan dhicin Dowladda Federaalka ay culeys maskaxeed iyo mid bulsho ay dareento, mucaaradku waa u GUUL.

3- In qof ama dad laga yaabay in maanta ay dhiman lahaayeen ama dhaawac soo gaari lahaa la baajiyay na, mucaaradku waa u GUUL.

4- In haddii ay dhacdo in wadahadallo horleh ay mucaaradka la galaan Dowladda Federaalka, Villa Somalia iyadoo intii hore ka nugul ay miiska soo fariisatana, mucaaradku waa u GUUL.

5- In haddii mucaaradka ay ku adkeysan lahaayeen dibadbaxa in uu dhaco, dadkii la filayay na aysan soo bixin ( ama dowladda waddooyinka haka xirto ama tiradii la rabay ba aysan soo bixin) Madashu waxay ku noqon laheyd weji-gabax, in dibadbaxa uu baaqday na, mucaaradku waa u GUUL.

Waxaa qoray Bashir Mohamed Caato

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -