Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay saq-dhexe  ku dhacay deegaanka Ood-weyne oo hoos tagta Ceel la-helay  oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaasoo khasaare badan uu ka dhashay.

Wararka ayaa tilmaamaya in duqeymahaan oo lala rabay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab inuu sababay dhimashada hooyo Soomaaliyeed iyo shan caruur ay dhashay .

Advertisement

Mas’uul u  hadlay deegaanka la weeraray ayaa sheegay in duqeymahaani sidoo kale ay ku dhinteen 3 sarkaal oo Alshabaab ah ,wuxuna ku eedeeyay Alshabaab inay ku gabadeen dadka shacabka ah balse qorshuhu iyaga ahaa.

Sidoo kale waxaa weerarkaan ka bad-baaday hooyada iyo aabaha dhalay caruurta goobta ku geeriyooday iyagoo jiifay guriga banaankiisa.

Sedexda sarkaal ee alshabaab looga dilay duqeymahaan waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ciise Cali Toxob,Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre.

Dhanka kale waxaa la waayay meydadka dhamaan dadkii meesha ku dhintay iyadoo wararka qaar sheegayaan in diyaaradaha mareykanka ee duqeymaha fuliyay ay hore u qaateen.

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaab oo ka soda deegaan hoos taga Degmada Ruu-nirgood
Next articleWafdi ka socda Dowlada Itoobiya oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here