=XIGASHO MARA-CADDE SHOW=
Koonfur Afrika: Sanadkii 1989–1991, dowladda Koonfur Afrika waxay si rasmi ah u burburisay lix (6) bam nukliyeer ah oo ay horay u samaysatay, waxaana sababta ugu weyn ee ay kaga tanaasuleen lagu sheegay, Isbeddel siyaasadeed oo xilligaasi ka dhacay dalkaasi, gaar ahaan dhammaadka xukunkii midab-takoorka iyo doonista in laga fogaado cunaqabateyn caalami ah.
Kazakhstan: Dalkaan ayaa kamid ahaa dalakii soofiyeed oo Burburkii kadib helay ku dhawaad 1400 oo madax oo nukliyeer ah, balse markii dambe waxay si nabad ah ugu wareejisay Ruushka dhammaan hubkaas, waxayna ku biireen heshiiska xakameynta hubka Nukliyeer “NPT” sanadkii 1994.
Libya: Sanadkii 2003, hogaamiyihii Libya, Mucammar Qadaafi, ayaa ogolaaday in dalkiisu burburiyo dhammaan barnaamijkii uu lahaa ee nukliyeerka, kadib cadaadis caalami ah iyo doonista in laga qaado cunaqabatayn.
Ukraine: Sidoo kale, kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti, Ukraine waxay la wareegtay ku dhowaad 1800 madax nukliyeer ah, waxay markii dambe ku wareejiyeen hubkaasi Ruushka sanadkii 1994 kadib markii ay heleen damaanadda badbaadada dhuleed ee heshiiskii Budapest Memorandum.
Balse dhowr sano kadib 2014 Ruushka ayaa qabsaday Crimea, waxaana Ukraine ay shaki gelisay dhaqan gelinta heshiiskii damaanadda oo Ruushka uu ka talaabsaday.
Belarus: Dalkaan wuxuu sidoo kale ka mid ahaa dawladihii Soofiyeeti ee helay hub nukliyeer kadib burburkii soofiyeed ee sanadkii 1991, balse markii dambe waxay si nabad ah ugu wareejisay Ruushka waxayna ku biirtay xakameynta hubkan“NP=T”
=XIGASHO MARA-CADDE SHOW=

