Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku suganaa Soomaaliya ayaa bishaan ka baxay gudaha dalka Soomaaliya . Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Ragga la dilay waxaa ka mid ahaa shakhsiyaad caan ahaa oo si weyn loo doon doonayay.

 

Aadan Xaashi Ceyrow

Dadka uu duqeymaha Mareykanku ku dilay waxaa ka mid ahaa Aadan Xaashi Ceyrow, oo ahaa ninkii aasaasay xarakada Al-Shabaab.

1-dii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow lagu dilay magaalada DhuusaMareeb oo hadda caasimad u ah maamulka Galmudug.

 

Dhawr iyo toban qof oo kale ayaa la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Captain James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig ay Alqaacida leedahay oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Sida ay sheegtay hayadda xasaradaha caalamka, Aadan Ceyrow wuxuu markii hore ka mid ahaa dadkii gacan saarka la ahaa ururka Al-Qaacidda, xilli ka horreeyay sanadkii 2001-diina uu tagay waddanka Afghanistan, halkaas oo uu tababarro kusoo qaatay.

Wararka qaar waxay sheegeen in madaxda Al-Qaacida ay Aadan u magacaabeen inuu noqdo hoggaamiyahooda Soomaaliya.

Saalax Cali Saalax Nabhaan

Salex Cali Salex Nabhan oo la sheegay in uu ahaa hoggaamiyihii AlQaacidda ee Soomaaliya ayaa isna lagu dilay weerar Maraykanku ku qaaday baabuur marayay meel u dhow degamada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

Dhowr diyaaradood oo helicoptero ah ayaa qaaday weerarkaas oo la sheegay in ay ku dhinteen dhowr qof, iyadoo weerarka lala bartilmaameedsaday Saalax Cali Saalax Nabhaan.

Saalax wuxuu bartilmaameed u ahaa FBI-da Mareykanka oo dhowr sano doon dooneysay. Waxaa sidoo kale loo heysto eedeymo ku saabsan weerarro ka dhacay dalka Kenya.

Weerarkii Xasan Turki uu ka badbaaday

Horaantii 2008-dii diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyay Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi, oo loo yaqaanno Xasan Turki, hase yeshee wuu ka badbaaday.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa 2012-kii sheegtay in ay siin doonto lacag gaaraysa 3 milyan oo doolarka Mareykan ah cidii keenta macluumad ku saabsan Xasan Turki.

 

Ninkan waxaa la aaminsan yahay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-kii, kaddibna uu xubin ka noqday ururkii la magac baxay Al-Itaxaad.

Bishii June ee sanadkii 2004-tii ayuu Mareykanka si rasmi ah Xasan Turki ugu daray liiska argagixisada.

2006-dii wuxuu xubin muuqata ka ahaa dhaqdhaqaaqii maxkamadaha Islaamiga, isagoo markii dmabena ka howl galayay ururkii loo yaqaannay Raas Kambooni.

Waxaa loo heystay in uu ku lug lahaa weerarradii safaaradaha Mareykanka ee qaa ka mid ah dalalka Bariga Afrika, inkastoo uu dhankiisa beeniyay eedeymahaas.

Dowladda Kenya lafteeda ayaa Xasan aad u doon dooneysay.

Xasan Turki wuxuu ugu dambeyn sanadkii 2015-kii u geeriyooday xanuun aan la faahfaahinin.

 

 

Bashiir Qoorgaab

Mareykanku wuxuu la xiriirinayay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam.

Bishii Maarso ee sannadkii 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ururka al-Shabab.

Mareykanka ayaa hore usoo bandhigay abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii isna soo sheega meesha uu ku sugan yahay Bashiir Maxamed Qoorgaab.

Inkasta oo xiligaas aaney ka hadlin Shabaab haddana qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geerida Qoorgaab.

Wuxuu Al -shabaab u qaabilsanaa weerarrada lagu qaado saldhigyada milatariga, wuxuu sidoo kale ku lug lahaa howlgallo laga fuliyay Kenya.

Axmed Cabdi Godane

 

Bishii Sebtembar sanadkii 2014-kii Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaqiijisay dilkii hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane, oo Mareykanku ku dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

 

 

Godane (oo Abuu Zubeyr ay u garanayeen Al-Shabaab), wuxuu ahaa ninkii badalay Aadan Xaashi Ceyrow, wuxuuna ahaa muddo hoggaamiyaha Al-shabaab.

Saraakiisha kale ee ka tirsanaa Al-shabaab ee dowladda Mareykanku doondooneysay isla markaana la dilay waxaa ka mid ahaa Mahad Maxamed Karatey oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Raggii kale ee Mareykanku raadinayay balse ciidamo kale ay dileen

Sannadkii 2016-kii sidoo kale Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), ayaa la sheegay in lagu dilay howlgallo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda dhexe Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Dulyadeyn ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya-na ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here