Cadalle (dayniiile.com)-Macalin Dugsi Quraan iyo ardeydiisa ayaa xalay lagu xasuuqay deegaanka Xaaji Cali ee hoos taga Magaalo Xeebeedka Cadalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Dadkaan la dilay oo 5 ruux ahaa ayaa dhamaantood isku qoys ahaa iyadoo wararka la helaayo sheegayaan in macalinka uu midna adeer  u ahaa midna uu la ilma adeer yahay laba ka mida ah wiilasha isaga lala dilay halka labada kalana ay iyaguna xigtadiisa yihhiin.

Advertisement

Macalinka iyo ardeydiisa waxaa  la sheegay inay ka imaadeen meel quraan aqris ahaan loogu casuumay markii ay soo dhameysteen kadibna la dilay xili ay usoo hoydeen xaafadahooda oo ah deegaanka Xaaji Cali.

Magacyada 5-ta ruux ayaa kala ah :-

Waa dhacdo aad u fool xun aadna looga naxo in dad walaalo ah ehel dhaw ah ay sidaas isu laayaan sidoo kalana ay guryaha iska gubaan walina aysan jirin maamul iyo Dowlad wax ka qabaneysa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHogaamiyaha Maamulka SSC Qaatumo oo maanta ku laabanaya Laas-caanood isagoo faraxsan
Next articleDagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidmada huwanta oo ka dhacay Janaalle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here