Shan waxyaabood oo lagu xusuusan doono xukuumaddii Kheyre

0
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa khudbaddii uu xalay ka jeediyay Muqdisho waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxda ka ahaa ay ku guulaysatay arimo muhiim u ah siyaasadda dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa nodqay ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib, isagoo xilka hayay ku dhawaad saddex sano iyo bar ama 1247 maalmood.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod uu Sabtidii u qaaday xukuumadda Kheyre kalsoonida kala laabtay.

“Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Haddaba maxaa u qabsoomay Kheyre intii uu xilka hayay, maxaa se lagu xasuusan doonaa? Waxaan halkan ku soo koobnay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa lagu eedeynayo in xukumaddiisu ay ka gaabisay.

Deyn cafinta

Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisii ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadda Soomaaliya oo ay “soo celisay kalsoonidii uu caalamka ku qabay hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasoo saamaxday in Soomaaliya laga cafiyo deyn lagu lahaa muddo dheer.”

Waxa uu sheegay in arintaasi ay xukuumaddiisii gelisay dedaal iyo waqti badan.

Inkastoo aan weli Soomaaliya si rasmi ah looga cafin deynta lagu qiyaasay inay ka badan tahay 5 bilyan oo dollar, ayaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii March ee sanadkan waxa ay sheegtay in dalku gaaray marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka deyn cafinta ee loo sameeyo wadamada faqriga ah.

Arintaasi ayaa horseeday in Soomaaliya ay soo ceshato xiriirkii ay la lahayd hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, taasoo horseedi karta hormarinta dhaqaalaha dalka iyo in malaayiin qof laga saaro saboolnimada ay ku nool yihiin.

Dib u dhiska ciidamada

Xukuumaddii Kheyre ayaa bilowday hannaan diiwaangelin rasmi ah loogu sameynayo ciidanka Soomaaliya, si loo ogaado tiradooda saxda ah iyo tayadooda.

Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda Soomaaliya ay si muuqata ugu tiirsanaatay ciidamo boqolaal ah oo ku tababartay xerada Turkiga uu ka dhisay Muqdisho ee TurkiSom.

“[Hawlaha aan qabanay] waxaa kamid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxalgal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

,

Qoraalka sawirka,

Ciidanka

Sidaa oo ay tahayna, xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ciidamadaasi qaarkood u adeegsatay qaab siyaasadeed.

Horraantii bishii March 2019, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa magaalada Beled Xaawo kula dagaallamay ciidanka Jubbaland oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Maraykanka ayaa dhaliilay ciidamadaasi ay dowladda geysay gobolka Gedo, waxaana uu ku tilmaamay kuwo laga weeciyay qorshihii sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

La dagaalanka musuq maasuqa

Kheyre ayaa khubaddiisii “iscasilaadda” ku sheegay in xukuumadda uu hogaaminayay ay waxbadan ka qabatay la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya.

Inkastoo ay jireen agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda oo loo xiray musuq maasuq, haddana ma jirin cid inta maxkamad loo soo taagay lagu riday xukun ku aaddan wax isdaba marin dhaqaale.

Cabdirashid Axmed oo ahaa lataliyaha Kheyre ee dowlad wanaaga iyo isbedallada laga sameynayo dalka ayaa BBC-da u sheegay in waxbadan oo khaldan ay ka dhaceen intiii uu xafiiskaasi joogay.

“Soomaaliya waa waddan shaqooyinka la qabto oo dhan ay maalgeliso beesha caalamka. Xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa uu sameeyay hannaan mashaaciida dalka oo looga wareejiyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo la isugu keeno xafiiskaasi, si loo kontoroolo dhammaan qandaraasyada, dhaqaalaha iyo tirada shaqaalaha ku lugta leh,”ayuu yiri yiri Cabdirashiid.

Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Transparency International, Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana ay gashay kaalinta ugu hooseysa ee 180/180.

Amni darrada (Qaraxii Zoobe)

Inkastoo bilihii u dambeeyay ee sanadkan uu soo hagaagayay amniga caasimadda Muqdisho ee ah xarunta dowladda Federaalka, ayaa haddana qaraxii ugu dhimashada badnaa maalin qura ah inta la ogyahay taariikhda Soomaaliya waxa uu dhacay intii uu xilka hayay ra’iisal wasaare Kheyre.

14-kii October 2017, xilli galabnimo ah ayaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Muqdisho. Qaraxaasi ayaa galaaftay noolasha dad ku dhaw 600 oo qof, sida ay sheegeen hawlwadeennada caafimaadka ee caasimadda.

Ma jirin cid ka tirsan mas’uuliyiinta sarsare ee ammaanka oo xilka looga qaaday qaraxaasi dadka badan halaagay, gaar ahaan wasaaradda amniga.

Qalbi-dhagax

Dabayaaqadii August 2017, dowladda Soomaaliya ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) u gacan gelisay Itoobiya, arintaasi oo caro badan ka dhex abuurtay bulshada Soomaalida.

Xukuumaddii Kheyre ayaa sheegtay in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, Qalbi-dhagaxna uu ahaa nin Alshabaab xiriir la ah oo argagixiso ah.

Xigasho Bbcda

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here