Shankara Aadan Xasan oo ah Haweeney Somali Kenyaan ah oo mudo sedex maalin ah afduub loo heystay ayaa maanta dib u heshay xoriyadeeda sida ay sheegtay idaacada Starfm ee Kenya.

Ciidamada Danbi Baarista Kenya ayaa soo badbaadiyay Haweeneydaaan waxaana laga soo helay guri cidlo ah oo ku yaal Dowlad deegaanka Miiru halkaasoo ay nolol adag ku wajahday markii cuntada ay ciriiri ku geliyeen iyagoo hal mar cuntada siin jirey.

Advertisement

Ciidamada ayaa howlgalka ay ku soo bad-baadiyeen haweeneydaan kadib waxay soo qabteen ninka ka danbeeyay afduubkeeda kaasoo lagu magacaabo C/aalhi Maxamed Guuleed islamarkaana hore u qabi jirey haweeneydaan.

Haweeneydaan 39 jirka ah oo lagu magacaabo Shankara Aadan Xasan ayaa warbaahinta la hadashay markii la soo badbaadiyay waxayna sheegtay in afduubkeeda uu ka danbeeyo ninkeedii hore kaasoo si cad ugu sheegay inuu wali jecel yahay.

“wuxuu i sheegay inuu wali i jecel yahay inuu rabo inuu dib ii guursado sidaas darteedna uu afduubkaani u sameeyay”ayay tiri Shankara Aadan Xasan

Shankara Aadan Xasan waxaa laga qafaashay Wadada linkoni ee Magaalada Nairobi xili ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaa Joma Kenyata oo ay ka shaqeyso sida maalin ka hor aan ku soo qornay mareegteena dayniiile.com.

Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Wiitaa oo laga soo doorto ismaamulka Madheera ayaa uga mahadceliyay hay’adaha amaanka jawaabta degdeg ah ay ka bixiyeen afduubkaani ayna ku guuleysteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here