MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw shaqaalaha Dowlada ayaa sheegaya in lagu cadaadinayo inay ku biiraan Xisbiga JSP ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud taasoo u muuqata in doorashada ka hor xisbiga loo rabo shacbiyadiisa la sii kordhiyo.
Sidoo kale wararka arintaan ku saabsan ayaa intaasi ku daraya in qof kasta oo shaqaalaha Dowlada ka mid ah lagu sii cadaadinayo inuu Xisbiga kusoo daro 10-qof oo Asxaabtiisa ah xili loo sameeyay dhanka internetka Linki lagu buuxinayo foom ah sida loogu biiri karo xisbiga.
Siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga ee xilalka ka haya Dowlada ayaa dhexdooda waxaa ka sii dhex jira is muujin ah in qofkii dhankisa ka yimaada oo shacabka ka mid ah islamarkaana xisbiga ku soo biiraya uu foomka ku cadeynayo inuu dhankaasi Xisbha kaa soo biiray.
Lama yaqaan saameynta shaqaalaha ay ku yeelan karto hadii ay ka madax adeygaan inay ku biiraa xisbiga Madaxweynaha islamarkaana ay asxaabtooda ugu soo biirin waayaan walow culeyska ugu badan uu ka iman karo mustaqbalka shaqadooda hadii aysan aqbalin cadaadiska saaran oo laftigeea ka warbaahin ahaan aanan u heyn acdeyn rasmi ah
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

