wararka naga soo gaaraya xarunta dhexe ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in Shaqaalihii ugu badnaa ee ka howlgalayay xaruunta Gobolka Banaadir oo ay ku jiraan agaasimayaal ayaa laga soo saaray iyaga oo badqaba gudaha xaruunta maamulka Gobolka Banaadir oo daqiiqado kahor la weeraray.

Khasaaro ka dhashay weerarkaas ayaa jira balse ilaa iyo hadda lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaas ku billawday Qaraxa.

sikastaba ha ahaate waa halis in xiligaan la wareero meel muhiim u ah dowladda soomaaliya iyadoo bilihi u dnabeeyey lagula jiray dagaal ururka alshabaab taasi waa habacsanaan amni in ay ka jirto xarumaha dowladda iyadoo la ogyahay in xili waliba ay soo weerari karaan alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here