Waxaa Sharaf ii ah inaan qeyb ka ahaa isfahanka horudhaca ah ee laga gaaray shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Burdheere ee sababtay geerida wiil deegaanka ah iyo xarigga mid kale.

Shir maanta la isugu yimid Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho oo ay beesha Habar Maxamed iyo Beesha Abakar oo tabasho kala qabay ayay Isfahan iyo is laab-xaarasho ku gaareen. Waxaan u mahadcelinayaa beesha Habar Maxamed oo ka garaabtay dhibaatadii dhacday, raalli-gelin buuxdana ka bixisay dhibaatadii dhacday. Sidoo kale waxaa ammaan mudan beesha Abakar oo aqbashay hoyashada walaalahood Habar Maxamed. Oo ah Curadka Beesha

Waxaa lagu ballamay in arrinta gobo kale lagu dhammeeyo, taas oo dammaanadeeda uu qaaday Sanatar Dhagdheer oo qaatay doorka matalaadda ee beesha, Mahad gaar ah iyo ammaan ayaan u soo jeedinayaa.

Waxaan marnaba la hilmaami Karin doorka Xildhibaan Dhuxulow Xildh Gafoow iyo Guddoomiye Caanaboore.xiireey jalwo ee isfahanka horudhaca ah ee arrinta laga gaaray doorwayn kulahaa Sidoo kale Waxaa doorshariif qaatay odeyaasha dhaqanka ee Beesha 3&9

Waxaan dhallinyarada ugu baaqayaa inay ka

fogaadaan wax kasta oo aan u wanaagsaneyn beelaha walaalaha ah iyo wax kasta oo dhibaato iyo colaad horseedi kara oo baraha bulshada lagu wadaago.

 

Guul iyo Walaalnimo
Ibrahim Cumar Mahadale (Ibrahim Dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here