DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed ayaa gaaray caasimadda Maamulka Galmudug ee Dhuusamarreeb halkaasoo si weyn uu ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Sharif Sheikh Ahmed ayaa Dhuusa-mareeb u tagay ka qayb galka Madasha Aragti Wadaag ee Machadka Heritage kaasoo oo sanadkaan ay marti galisay Dowladd Goboleedka Galmudug.
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), madaxweyne ku-xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid, goleyaasha maamulka Galmudug iyo shacab weynaha reer Galmudug gaar ahaan shacabka Dhuusamareeb soo dhaweyntoodii diiranayd”ayuu yiri Sharif Sheikh Ahmed




