Waxaan dhammaan ummdda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabada 26-ka Juun oo ku beegan 65 guuradii ka soo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horreysay oo calankeenna laga taagay dhul Soomaaliyeed oo xor ah.
Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka, waxa xasuusin mudan in walaalaha waqooyiga kaalin mug leh ay ku lahaayeen halganka adkaa ee la soo maray, waxayna u hureen dhiigooda.
Waxaan mudan in aan dadaalkii ay ku bixiyeen xornimada iyo midowga mid u dhigma in aan si wadajir ah aan ugu bixino xalinta tabashadooda.
