MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw u guuray Xaafada Marinaayo ee Degmada C/casiis Magaalada Muqdisho si uu u hogaamiyo banaan-baxa mucaaradku doonayaan inay qabtaan 4-ta bishan June oo ah khamiista beri kaliya ay naga xigto.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif wato ilaalo intii hore ka badan si ay u waardiyeeyaan madaama isu soo baxu uu ka dhalan karo iska hor imaad hubeysan oo dhexmara Booliiska iyo ilaalada mucaaradka.
Sidoo kale Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in mucaaradku banaan baxaan uga duwa yahay kuwii hore inay markaan aaminsan yihiin in markaan Madaxweyne Xassan ka dhamaatay sharciyadii uu dalka ku xukumayay islamarkaana ay siman yihiin isaga mucaaradka.
Cabsi badan ayay shacabka reer Muqdisho ka qabaan in xiisad ay ka dhalato diba baxyadaan ay mucaaradku doonayaan inay Muqdisho ku qabtaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
