HomeWarkiiShariif "Madaxweynow iimaanka Allaha ku galsho ka fariiso siyaasada intaad shacabka dhibaateyn...

Shariif “Madaxweynow iimaanka Allaha ku galsho ka fariiso siyaasada intaad shacabka dhibaateyn karto waad soo dhibtay”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in doorashooyinka Dowladu ka wado Baydhaba ay lacag ka sameneyso,Shariif wuxuu tilmaamay in qofkiiba musharixiinta laga qaadayo 1150 doolar.

“xogta aan ka heyno Baydhaba ee cajiibka ah waxaa ka mid ah qofka xildhibaanka waxaa laga rabaa inay 50 ruux u saxiixdo laakiin liiska laguu fiirinaa cid 50 kaa rabtana ma jirto sheekada halkaasee joogtaa” ayuu yiri Shariif .

Sidoo kale Shariif wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu dhibaato ku hayo shacabka horana ugu hayay isagoona ugu baaqay inuu siyaasada ka fariisto madaama sida uu xusay shacabka gaarsiiyo dhibaato intii ku filan.

“Madaxweynoow Dalkaan intaad dhibaato gaarsiin karto waad gaarsiisay intaana culeys ku ah iimaanka Allaha ku galsho iska fariiso,intaan ka badan lama qaadi karo waa la dhibtooday oo xabsiyadana waa buuxaan, dadkii waa barakaceen ,waa faqriyeen,oo waa taagtaagan yihiin xagee u socotaa” ayuu mar kale yiri Shariif

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -