BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa musharaxiinta u tartameysa xilka ugu sareeya Maamulka Koofur galbeed ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay tartanka xili doorashada ay socoto maanta.
Shariif ayaa sababta ku sheegay inuu saluugsanyahay hannaanka doorashada islamarkaana ay Dowladu ka gaabsatay inay xaliso cabashooyin ay hore ugu gudbiyeen gudiga.
“2 Bilood waxaan sugeynay doorasho Hufan maanta waa ka quusanay waana isaga baxay tartanka “ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Tartanka waxaa iskugu soo haray
Labada Musharax ee kala ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo C/casiis Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wararkii ugu danbeeya ee aan ka heleyno hoolka dooraahada ay ka socoto ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koofur galbeed Mahad Maxamed Sheekh Xasan uu ku dhawaaqay in Shariif Xassan laga saaray liiska Musharixiinta markii laga waayay hoolka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

