HomeWarkiiShariif Sh.Axmed " aniga iyo Xasan isku mid ma nihin ,aniga shacab...

Shariif Sh.Axmed ” aniga iyo Xasan isku mid ma nihin ,aniga shacab ma barakicin,muda xileed iga dhamaadayna kursiga ma sii joogin”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM):-Madaxweynihii hore ee Somalia Shekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalo ka jeediyay kulan shir jaraa;id oo ay qabteen Mucaaradka, wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan sida farqiga u dhexeeya isaga madaxweyne Xasan oo uu fasiraad dhankiisa ah ka bixiyay iyo arimo kale sida xariga Sacdiya Bajaj.

Shariif oo u muqday inuu ka carooday in isaga iyo Xasan Sheekh isku mid laga dhigo ayaa ka dhawaajiyay ineysan isku mid ahayn oo farqi weyna uu u dhexeeyo.

” aniga dad ma barakicin,muda xileed iga dhamaadayna kursiga ma sii joogin”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, mar uu soo hadal qaaday Sacdiya Bajaj ayuu sheegay inay u xiran tahay kaliya inay sheegtay inay u baahan tahay nolosha ay ku nooshahay gabadha madaxweyne xasan.

Sidoo kale Shariif wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan kaliya ay u harsan tahay inuu dhiig daadiyo ayna suurtagal ka tahay dhankiisa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -